Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Sheegay In Duqeyn Ay Ku Dileen 7 Sarkaal Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen ciidamada Maraykanka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ay ku dileen 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

duqeyn-1.jpg

AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegtay in duqeynta ay ka dhacday degaanka Caad ee Gobalka Mudug laguna dilay illaa 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaan sidoo kale qiimeyneynaa oo aan baareynaa in dad rayid ah aysan wax ku noqon duqeyntan.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kooban oo ka soo baxay Africom ayaa lagu xusay inay gacan ka heleyaan ciidamada dowlada Federalka ayna joogteyn doonaan sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda ururka Alshabaab.

Shalay ayey aheyd markii taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen iney 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo doraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this