Sign in to follow this  
Deeq A.

“Mid Aan Ka Idhaahdo Agaasimaha Is-casilay “ Proff Cabdi Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

Anigu aqoon uma lahayn ninkan; muuqiisa xataa maantaa iigu horraysay; laakiin Markaan doonay warkiisa, xuuraan ka dib, waxan soo ogaaday inuu yahay nin Ehlu SHARAF ah; boqol jeer ka sharaf badan kuwa leh magacyo waawayn; Allaa maxaa magac madhan lagu lugo’ay; waar dadkii dunta ahaa ha la doono.

0A829FC0-1FB3-4196-BAC6-26615D78876A.jpe

Waan hubaa intuu joogay inuu yaabbanaa; qaarbaa moodaya in uu maanta xanaaqay; ma aha sidaas; ma xanaaqaan dadka sidaas ahi; waa go’aan ku soo bislaanayay muddo, siduu isaguba sheegay; wuxu u baahnaa in la taabta uun.!!! waxa Ilaahay taabashadii ka dhigay shaqadiisii oo laga dafiray.!!!
In aanu maanta go’aanka gaadhin waan hubaa taas; Sawirka aan wajigiisa ka qaatey iyo xuuraankaygii wuu isu yimi.; ولا+نزكي+على+الله+احد; mar kastana isuma yimaadaan labadaasi.

Mr Xuseen, Dg-gii hore ee Wasaaradda Caddaaladda oo maanta iskii uga tegay xukuumadda, waxan u rajaynayaa kheyr farabadan, waxanan ku adkayn lahaa in aanu ka hadhin halganka aynu ugu jirno dawlad wanaagga, innagoo macal walaalaheena xukuumadda ku jira ku qancinayna in taasi inoo wada dan tahay.

Abdo; Xuuraame soo baadha dadka sharafta leh ee la qariyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this