Deeq A. Posted November 21, 2018 Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magacaabay waisir cusub oo kamid noqonaya wasiirradiisa. Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug ee caasimadda Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Galmudug uu magacaabay wasiirka dib u heshiisiinta iyo arrimaha federaalka oo uu u magacaabay mudane Saalax Cabdullaahi Maxamed. Wasiirkani ayaa kamid noqonaya golle wasiirro oo dhowaan uu madaxweyne Axmed Ducaalle kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb kuwaasoo ay ka soo dhex muuqdeen wasiirradii hore iyo qaar kaloo cusub. HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA: Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites