Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Jebiye oo degmada Dhahar lagu soo dhaweeyey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhahar-[Puntland Post]-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dhoweeyey degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.

Kumannaan dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay fagaaraha Derista, wuxuuna ugu mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu wax ka qaban doono baahiyaha ay degmadu qabto, gaar ahaan biyo-gelinta, dayactirka jidka isku xira Dhahar iyo Qarho; hirgelinta garoon diyaaradeed iyo tayeynta adeegga caafimaadka.

Musharraxu wuxuu bulshada Dhahar uga mahadceliyey sida ay xilka weyn isaga saareen dhowrista deegaanka, isagoo xusay in degmada Dhahar ay qaadday tallaabo aad u wanaagsan oo mudan in degmooyinka kale ay ku daydaan.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid  Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DSC01292-Copy.jpg?resize=800%2C449&ssl=1 DSC01480-Copy.jpg?resize=800%2C449&ssl=1 DSC01695-Copy.jpg?resize=800%2C449&ssl=1 DSC01953-Copy.jpg?resize=800%2C512&ssl=1 DSC02069-Copy-1.jpg?resize=800%2C449&ssl DSC02070-Copy.jpg?resize=800%2C449&ssl=1 DSC02235-Copy.jpg?resize=800%2C449&ssl=1 DSC02327-Copy.jpg?resize=800%2C411&ssl=1
Cabdiqani Boos
Puntland Post

The post Musharrax Jebiye oo degmada Dhahar lagu soo dhaweeyey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this