Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish-ta Soomaaliya oo dagaal-yahanno ajnabi ah keensatay iyo Shabaab oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in kooxda Daacish ay ciidamo badan oo Ajaaniib ah kusoo daabushay Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay, ayada oo isku diyaarineysa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dagaalyahanada ugu badan ee Ajaaniibta ee kamid ah Daacish ayaa waxay ka howlgalaan gobolka Bari ee Puntland, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay, balse qaarkood ayaa dhowaan billaabay inay Koonfurta Soomaaliya usoo dhaqaaqaan.

Badankood ajaaniibta ka mid noqonaya Daacish ayaa la sheegay inay kasoo cararayaan dalalka Syria iyo Iraq, halkaasi oo ay ka dareemayaan cadaadis Militari oo kaga imaanaya ciidamada halkaasi kula dagaalamaya.

“Ururka Daacish Hadda si muuqata ayuu u kordhayaa waxaa uu ka batay 2016-kii oo uu ahaa wax ka yar 12 waxaa uuna gaaray 200” ayey QM ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay inay qatar ku yihiin Puntland, gaar ahaan maamulka gobolka Bari, waxaana qorshaha ugu weyn ee ay damacsan yihiin lagu sheegay inay doonayaan inay Al-Shabaab kala wareegaan deegaanada ay maamulaan.

Halis weyn ayaa laga fileysan karaa kooxda Daacish ee la dagaalamaysa Al-Shabaab iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this