Deeq A. Posted November 21, 2018 ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO DAARTA KII GALAYE!. Somaliland ahaan waxa aynu la soo noqoney xoriyadeenii 27 sanadood horteed, laakiin waxa aad la yaabeysaa markaad eegto hab dhaqanka madaxda somaaliland.Mar mar ayaan is idhaahdaa malaha maydaan xoroobiin ee weli halgankii waa dhiman yahay,Tusaale ahaan kolkaad eegto sida ay eexdu ku jirto ee ay ummada ugu garsoorayaan amba ay u dhaqmayaan, waxaan daawaday booqashadii uu madaxweynuhu ku tagay burco kolkaas ayaan idhi malaha maaha madaxwenihii somaaliland oo booqanaya magaalo ka mid ah dalkii uu madaxweynaha ka ahaa ee waa magaalo ay daganyihiin dad u cadow ah oo laga ilaalinayo,ma aha in aan diidanahay in la ilaaliyo madaxweyne laakiin tii shalay waxa ay ahayd ceeb u soo hoyatay dadka somaliland waayo waxa ay muujisay in aanu madaxweynuhu ku qabin kalsooni shacabkiisa, waxaan dub u daawaday cajalado hore oo uu muse ku tagay burco oo kala ahaa mar uu wasiir ahaa iyo mar uu ahaa musharax xisbi waxaa isku mid ahaaday markuu ahaa wasiirka iyo markuu ahaa madax weynaha waayo labadaba waxaad ka arkeysaa in ay ku jirto cabsi badan iyo feejignaan aad u badan oo kalsooni aanay ka muuqan,waxaa aad arkeysaa kolkii uu ahaa musharaxa xisbiga uu magaalada soo wada maray oo kheyriyada kala hadlay dadweynaha laakiin shalay xarunta gobolka dad xoogaa ah loogu diyaariyay, taasina waa guul daro weyn oo kala kulmay burco.Shaqsi ahaan waxaan soo xasuustay gabay Allaah ha u naxariisttee uu tiriyey abwaan qaasim oo ahaa isma doorin galkaan diriyo daarta kii galay eh, waayo waxaan xasuustay nidaamkii siyaad marka ay booqdaan gobolada ay u arkaan in dadku aanay ku farxayn booqashada in ay siddii shalay oo kale ay isaga ilaalin jireen dadka ay aaminsanaayeen inay soo doorteen. ABDI ABDI madoobe2@hotmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites