Deeq A. Posted November 21, 2018 Jigjiga (Sh.M.Network) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga waxaa maanta ka degay ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF, kuwaasi oo kasoo kicitamay xarunta Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay muddo u ahayd xarun. Talaabadani ayaa waxay ka dambeysay markii isbedal wayn uu ka dhacay degaanka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya, oo sanadihii udambeeyay ay ka dhacayeen tacadiyo kala duwan. Xubnaha dib ugu laabtay xarunta dowlad degaanka Soomaalida oo dareenkooda ka hadlay ayaa muujiyay farxad, iyaga oo tilmaamay in isbedalka uu horseeday inay dib u arkaan eheladooda oo ay muddo moogeen. Shacab badan oo soo dhawaynta ciidamada ONLF ka qaybqaadanayay oo dhankooda dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa laga dheehan karay inay uriyaaqeen isbedalka sida xowliga ah ku socda. Tan iyo markii la doortay Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya bishii April ee sanadkan 2018 waxaa siyaasadda wadankaan ku dhacay isbedal wayn oo fur-furay siyaasadda ku saleysnaa kaliya-talisnimadda. The post Ciidamo ka tirsan ONLF oo lagu soo dhaweeyay Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites