Deeq A. Posted November 21, 2018 Dhuusamareeb (Sh.M.Network) – Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, garabka Dhuusamareeb, ayaa meel-mariyay Golle wasiiro cusub oo soo dhisay Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Fadhiga ay mudanayaasha yeesheen maanta oo Arbaco ah ayay cod wada ogol ah ku anisixiyeen wasiiradda, kuwaasi oo uu horgeeyay madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Galmudug, Xareed Cali Xareed, oo natiijadda coddeynta ku dhawaaqay ayaa tilmaamay in 127 sharci-dejiye ay codkooda siisay Gollaha Wasiiradda. Wasiiradda oo ka kooban 27 ayaa meel-marintooda waxay imaanaysaa xili dowlad goboleedkaan uu ukala qaybsan yahay labo garab oo ku kala sugan xarunta Galgaduud iyo magaalada Cadaado. The post Xilldhibaano ku ansixiyay Dhuusamareeb wasiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites