Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Xilligan Aanay Suurtagal Ahayn In Soomaaliya Iyo Itoobiya Ku Midoobaan Arrimaha Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kismaayo)-Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in xilligan aanay suurtagal ahayn in Soomaaliya iyo Itoobiya ku midoobaan arrimaha siyaasadda.

xasan_fartaag.jpg

Wuxuu sheegay in kaliya laga wadahadli karo arrimaha dhaqaalaha iyo maslaxadda Labada dal, balse aanay habooneen in la isugu yimaado arrimo siyaasadeed waqtigan.

Madaxweyne hore Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in markii la helo dowlad sal adag leh suurtagal tahay in laga wadahadlo arrimaha siyaasadda waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga iyo Itoobiya siyaasad ayaan ka midoobeynaa in la yiraahdaa lama billaabi karo, waqtigeedana ma ahan, dalkaan markii uu dego oo dowlad uu yeesho oo dowladdiisu dowlad deggan oo adag ay noqoto markaasi waa dooddeeda iyo ra’yigeeda waa la furi karaa…maanta waxaan qabaa wada xaajoodkeeda lama bilaabi karo iska daa waan midoobeynaa iyo Hal madaxweynaan yeelaneynaa, xaggaan ka dhaceynaa..mana furno albaabkaasi maanta, laakiin midda dhaqaalaha ah iyo masaaliixda in laga wadahadlo wadahadalkeeda waa la bilaabi karaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria ayaa gaadhay heshiis Saddex geesood ah, kaasi oo u badan iskaashi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this