Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Haweenka Puntland oo xustay maalinta carruurta Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda horumarinta  Haweenka iyo  arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa maanta qabatay musaasabad lagu maamusayay maalinta Carruurta Adduunka oo sannad walba la xuso 21 November.

Munaasabadda oo ay hormuud u ahayd wasiirka wasaaradda Haweenka marwo. Maryan Axmed Cali ayaa ka qabsoontay xarunta wasaaradda ee magaalada Garoowe,waxaana soo qeyb galay,wasiir ku xigeenka wasaaaradda Waxbarashada Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha UNICEF& Save The Children,waalidiin iyo in ka badan 70 carruur ah oo ka kala socday xarumaha Agoomaha iyo iskuulada magaalada Garoowe.

Agaasimaha waaxda Daryeelka Carruurta wasaaradda horumarinta  Haweenka iyo  arrimaha Qoyska Puntland Khadro Maxamed Oday ayaa sheegtay in sannad kasta wasaaraddu xusto maalintan,si loo dhiirri-geliyo carruurta,islamarkaana loo darso heerka nolosha carruurta Puntland.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi oo ku hadlayay Afka hay’adaha UNICEF& Save The Children ayaa munaasabadda ka sheegay  in arrinta ugu muhiimsan ee u baahan in dib loo fiiriyo ay tahay heerka ay joogan carruurtu nolol ahaan iyo maskax ahaanbas,si loogu diyaariyo mustaqbalka wanaagsan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka ay hormuudka u yihiin wasaaradda Haweenka Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah(UNICEF& Save The Children)  ee lagu horumarinayo nolosha carruurta,isagoo hambalyo ku aaddan xuska maalintan  u diray dhammaan carruurta Soomaaliyeed,gaar ahanna kuwa reer Puntland.

Ugu dambeynti,  wadiirka horumarinta  Haweenka iyo  arrimaha Qoyska dowladda Puntland, Maryan Axmed Cali oo munaasabadda soo xidhay ayaa sheegtay, in marwalba wasaaraddu u taagantahay daryeelka carruurta,ayna sii laba-jibbaarayan dadaalkooda ah sare u qaadidda nolosha carruurta Puntland.

Waxaan halkaan u soo istaagay, in aan guto waajibaadkaygii ahaa mandate-ka ama wasaaradda arrinta ay u xil-saarantahay oo ah,daryeelka carruurta iyo in ay ka war-qabto” ayay tidhi wasiirku iyadoo sii raacisay”waxaan aad iyo aad maanta ugu hambalyeeynayaa ,carruurtoo keliya maahee waalidiinta,haddii aan waalid jiri lahayn idinkana inta ma joogi lahayn”.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in bishaan gudaheeda ay wasaaraddu daah-furi doonto”Siyaasadda waxqabadka carruurta ee Puntland” oo ay wasaaradda ka caawisay hay’adda Save The Children.

12-8.jpg?resize=640%2C387&ssl=1 13-5.jpg?resize=640%2C345&ssl=1 14-2.jpg?resize=640%2C401&ssl=1 15-2.jpg?resize=640%2C398&ssl=1 17-3.jpg?resize=640%2C384&ssl=1 19-3.jpg?resize=640%2C408&ssl=1 21-1.jpg?resize=640%2C350&ssl=1 22-1.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 23-2.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 25-2.jpg?resize=640%2C277&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo xustay maalinta carruurta Adduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this