Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Ciidamadii ONLF Ka Joogey Asmara Oo Maanta Ka Degay Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF islamarkaana ku sugnaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa maanta diyaarad waxa ay ka dejisay magaalada Jigjiga ee xarunta Somali State.

Ciidamadan oo aan wax hub ah wadan ayaa waxaa magaaladaasi geysay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Ethiopia Airline.

C/qaadir Xasan Hirmooge oo ah Afhayeenka ONLF ayaa Goobjoog u sheegay in ciidamadan ay yihiin Boqolaal, islamarkaana ay jiraan kuwo ka horreeyey oo dhanka lugta ah ku tagey Jigjiga, kuwo kalena ay dhiman yihiin.

Wuxuu tilmaamay in tani qeyb ka tahay heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya, gaar ahaan maamulka cusub ee Abiy Axmed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Afhayeenka-ONLF.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this