Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalimiin ka hadasay xuska 21-ka November

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Sanad walba maanta oo kale waxaa laga xusaa Soomaaliya oo dhan maalinta barayaasha ama macalintiinta Soomaaliyeed, 21-ka November, oo maanta ku beegan.

Munaasabado badan oo lagu weyneenayo maalintaan ayaa dhacay meelaha lagu qabtay waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Macalinku oo darajadiisa waxaa lagu qiyaasaa in uu yahay aabaha labaad ayaa waxa aysan helin waqti xaadirkaan xuquuqdooda oo dhameestiran hadii ay ahaan laheed mid mushaar iyo tixgalin, balse howshooda wax barista ah kama niyad jabaan.

Dunida marka la eego qiimaha macalinka uu gaarsiisan yahay ayaa ah in uu helo xuuq joogta ah iyo daryeel ku filan intooda badanna waxaa mushaaraadkooda bixiya dowlada wadamada ay ku nool yihiin.

Balse, Soomaaliya macalimiinta ku nool waxa ay hoos tagaan shaqsiyaadka iskuulada gaarka loo leeyahay ee ay ka howlgalaan.

Nasro Cabdi Cali, oo kamid ah ardayda Soomaaliyeed ayaa tix waxa ay ku amaantay barayaasha.

Qaar kamid ah macalimiinta Soomaaliyeed ayaa dhankooda hambalyo waxa ay u direen dhigooda meel walba oo ay ku sugan yihiin iyagoona sheegay in marnaba aysan ka caajisi doonin in ay bulshada ka ciribtiraan jahliga.

Cabdullaahi Mire Cabdi, waxa uu kamid yahay macalimiinta la hadashay Shabelle, kaasi oo oo howshan macalinimo ku jira tan iyo 1980-kii.

Aqoon hadii la waayo waa nolol la’aan sidaasi, waxaa qaba maamulaha iskuulka Raage Ugaas, Cabdiraxmaan Maxamuud Cali.

Sikastaba ha ahaatee, macalinka oo muhiimad weyn ugu fadhiya Ummadda Soomaaliyeed, hadana dadka qaar ma oga tixgalinta uu leeyahay.

21-ka November waa maalin xusuus weyn u leh guud ahaan Barayaasha Soomaaliyeed, xili maanta si wayn loogu dabaal-degay qaybo badan oo caasimadda kamid ah oo musaabado lagu way-waynayo lagu qabtay.

The post Macalimiin ka hadasay xuska 21-ka November appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this