Sign in to follow this  
Deeq A.

AlShabaab oo lagu eedeeyay afduub ka dhacay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Sh.M.Network) – Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubaysan oo la shakiysan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ay afduubteen  gabar u dhalatay dalka Talyaaniga kadib markii ay weerareen Suuq ay kuga sugnayd Gobolka xeebta ah Kilifi ee wadankaan Geeska Afrika dhaca.

Sida uu qoray wargayska Daily Nation, kooxda afduubatay gabadha Talyaaniga oo 23 jir ahayd ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaaraysay ilaa 80 qof kuwaasi oo xiligii ay afduubka gaysanayeen rasaas ay fureen ay ku dhaawcameen 5 qof oo kamid ah dadkii ka agdhawaa goobtaasi.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijayay wargayska in dableydaasi ay labax-sadeen haweenayda iska markaana aan ilaa iyo haatan la ogayn meel ay Jaan iyo cirib la dhigeen Gabadhaasi.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Gabdha ay la shaqeynayasay hay’adda maxali ah oo ka howlgasha gudaha dalka Kenya islamarkaana ay daganayd hotel ku dhaw halka laga qafaashay.

Ciidamadda amaanka Kenya ayaa gaaray meesha laga soo wariyay afduubka iyo weerarka balse waxaa lagu waramayaa inay ahayd xilli dambe oo ay dableyda wax afduubtay ay la baxsadeen Gabadha.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan eedaynta uga timid saraakiisha dowladda Kenya ee ah inay afduub ugaysatay gabadhasi u dhalatay dalka Talyaaniga.

Inta badan shaqaalaha Ajaanibta ee ka howlgala degaanada iyo degmooyinka gudaha wadanka Kenya ayaa la kulma falal Afduub ah kuwaasi oo ay geysaan kooxo aan inta badan haybtooda la aqoonsan.

The post AlShabaab oo lagu eedeeyay afduub ka dhacay Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this