Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi: “Wadahadal lama galeyno DFS”

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayey bulshadda degaanada maamulkani, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu aanu diyaar u ahayn wadahadal uu la galo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda haatan jirta ee uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ay isku dayday inay Somaliland kasoo xirto albaabada beesha caalamka, ayna kala kulmeen cadaadis xoogan, siduu hadalka udhigay.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay in sababtaasi darteeda uusan maamulkiisa waqti xaadirkaan diyaar ugu hayn in lasii anbaqaado wadaxaajoodka Somaliland iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmajo] uu dhowaan ka dhawaajiyay in dowladiisu ay xooga saari doonto isku soo dhawaanshiyaha Somaliland iyo Soomaaliya.

The post Muuse Biixi: “Wadahadal lama galeyno DFS” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this