Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo oo la kulmaya jaaliyada Soomaaliyeed ee Italy

Recommended Posts

Deeq A.   

Roma (Sh.M.Network) – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa lagu wadaa inuu magaalada Roma kulan kula yeeshay saacada soo soda Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadankaasi Talyaaniga.

Qaban-qaabada xaflada ayaa haatan socota, xili ay caasimada wadankaan Yurub ku yaala ay kasii qul-qulayaan Soomali dooneysa inay xaadiraan kulanka uu Madaxwaynaha la qaadanayo jaaliyadda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu kala hadli doonaa Jaaliyada Soomaaliyeed guulaha ay gaartay xukuumaddiisa iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, si lamid ah, caqabadaha ku haystay Soomaalida dalka Talyaaniga.

Soomaali aad ubadan ayaa waxay ku sugan yihiin wadanka Talyaaniga, kuwaasi oo badankooda halkaas ku gaarey qaab qaxootinimo, iyaga oo soo maray Badda oo ay nolal adag kusoo qaataan.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Talyaaniga gaarey horaantii isbuucaan ayaa ku jooga booqasho rasmi ah, isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha wadankaan oo uu kala hadlay arrimo badan oo xoojinaya cilaaqaadka labada dowladood.

Kulanka jaaliyadda kadib, Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu shir gaar ah uu la yeelan doonan Madaxwaynaha Talyaaniga, oo uu kala xaajoon doona arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada xukuumadood.

The post MD Farmaajo oo la kulmaya jaaliyada Soomaaliyeed ee Italy appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this