Deeq A. Posted November 21, 2018 Galmudug (Sh.M.Network) – Degaano ku dhow degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay Is-gaarsiinta. Tani ayaa ka dambeysay markii diyaarado dagaal ay duqaymo ka geysteen tuulooyin ku yaala halkaasi. Weerarada cirka ah oo sheegatay dowlada Mareykanka waxay tilmaamtay inay ku dishay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa sheegaya in wali lagu arkayo degaanadaasi diyaarado jawi hoose ku duulaya oo aanan la ogayn dalka laga leeyahay. Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi naga soo garaya ayaa tibaaxaya in xaaladu ay tahay mid degan, inkasta oo wali ay maqan tahay Is-gaarsiinta. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo aan xiriiro la sameysanay waxay ka gaabsadeen inay fahfaahin dheeri ah ay bixiyaan. The post Is-gaarsiinta oo ka go’an degaano ka tirsan Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites