Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo 2 qof ku toogtay suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley hubeysan ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca lagu iibiyo khudaarta ee xigta dhanka degmada Hodan waxay ku dishay labo ruux, sida ay idaacadda Shabelle u sheegeen Goobjoogayaal.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in labada qof ee la khaarijiyay ay sii galayeen Masaajid halkaasi ku yaala xili la tilmaamay inay kamid ahaayeen shaqaalaha mid kamid ah shirkadaha Is-gaarsiinta ee dalka, oo ay waqtigaasi kasoo baxeen.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo falka kadib soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay howlgal baaris ah, inkasta oo aanan la ogayn hadii ay cid kusoo qabtaan, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Hodan iyo hay’addaha nabad-gelyadda ee dowladda Soomaaliya.

Maalmihii udambeeyay Muqdisho waxaa ka dhacayay falalka noocaan ah xili laamaha amaanka ay sheegayaan inay ku howlan yihiin sidii ay usugi lahaayeen nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka.

The post Rag hubeysan oo 2 qof ku toogtay suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this