Deeq A. Posted November 21, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib udhigay meel-marinta sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka. Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad ee dalka mudane Mahad Cabdalla Cawad. Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan. Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay sababta dib udhac ay tahay markii ay mudanayaasha ka baxeen kulanka xiliga coddeynta isaga oo xusay in maalinta Sabtida ah ee isbuuca dambe cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-2.mp3 The post BFS oo dib udhigay ansixinta sharciga Hantidhowrka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites