Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Mas’uul is casilay kadib markii si xun loogu bahdilay meel fagaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimihii guud ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah xilkii iska’casilay,kadib markii lagu bahdilay munaasabad xadhiga looga jarayey xabsi laga hirgeliyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Muuqaal laga soo duubay munaasabadda xadhig-jarka xabsiga Burco oo la soo geliyay baraha bulshada, ayaa laga arkayaa taliyaha ciidamada Asluubta Somaliland Gen Maxamed Cismaan Xudhuun oo agaasimaha ku leh”shut up”(naga aamus),waxaana xilligaasi taliyuhu hor taagna madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Agaaasimaha ayaa daqiiqado kadib, shir jaraa’id oo uu qabtay ka shaaciyay, in uu iska’casilay xilkii wasaaradda,isagoo sheegay,in Somaliland mustaqbal madow ku soo wajahanyahay oo ay haadaan ka sii dhacayso,sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in go’aanka is’casilaadda uu u qaatay, kadib markii uu arkay, in Somaliland ay burbur ku socoto,islamarkaana ay gacanta u gashay koox uu ku tilmaamay”ciil-qabayaal” oo doonaysa in ay ka aar-gudato cid kasta oo maalin wax ka sheegtay ama  wax ka qortay.

PUNTLAND POST

The post Somaliland: Mas’uul is casilay kadib markii si xun loogu bahdilay meel fagaaraha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this