Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab ” Jeesow si dirqi ah ayuu nooga baxsaday”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo shalay siyaaba kala duwan uga dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Al- Shabaab waxay sheegtay in qarax ay laheshay gaari uu lahaa mid kamida xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya balse uu ka badbaaday “Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax ay Al-Shabaab gaarigiisa kula beegsadeen wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay sheegtay in sarkaal sare oo katirsan ciidanka Melleteriga dowladda Federaalka ay ku dishay weerarka ka dhacay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee degmada Hodon.

Qarax xooggan ayaa haleelay gaari Roneed ah oo uu watay Col. Cabdi Fataax Yaasiin Cali oo kamid ahaa saraakiisha melleteriga, ilo wareedyo ayaa sheegaya in sarkaalku isla goobta ku dhintay waxaana burburay gaarigii uu watay.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu si diqri ah uga fakaday qaraxa isagoo walaac ka muujiyay ammaanka xildhibaannada ka howlgala Muqdisho kadib shir jaraa’id oo uu qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this