Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Magaalada Burco Kaga Dhawaaqay In Uu Is-Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Agaasimihii wasaaradda caddaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa iska casilay xilkaasi.

wararka-dag-dag-1-1.jpg

Agaasimaha ayaa is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay magaalada Burco, isagoo kamid ahaa weftiga madaxweynaha Somaliland ee gobollada bariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta is-casilaaddiisu la xidhiidho xabsiga dhexe ee Burco oo maanta uu xadhiga ka jaray madaxweyne Biixi.

Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in agaasimaha guud loo diiday inuu ka hadlo jeelka weyn ee magaalada Burco oo uu maanta xadhiga ka jarayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Goor dhaw la soco muuqaalka warkan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this