Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dhaawacay Ajaaniib kuwo kalana lagu Afduubtay oo Kenya ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ay dileen rag ajaaniib ah kuwo kalana ay afduubteen.

Shan ruux ayaa la sheegayaa inay dhaawacmeen halka ruux u dhashay dalka Talyaaniga ay afduubteen Al Shabaab, kadib weerar ka dhacay gudaha dalka Kenya, sida wararka aan ku heleyno.

Weerarka ayaa ka dhacay  xarunta dukaamada ee Chakama oo ku taalla degaanka Kilifi hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya, sida saraakiisha dalka Kenya ay saxaafadda u sheegeen.

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray goob ganacsi oo ku taala magaaladaasi, waxaan socda baadigoobta ruuxa Ajnabiga ah ee la afduubay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka  degmada Malindi Saakay,ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ruux Xaaladooda Caafimaad ay halis tahay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this