Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoonka Aqalka sare oo qaabilay wafdi ka socday Finland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi uu hogminayay Wasiir ku xigeeenka Arimaha Dibada Dowladda Finland ee Xarunta Golahasi

Wafdigaan heeraka sarre ee ka socday Dowlda Finland uu Hogminayay Wasiirka Kuxigeenka Finland, Samuli Virtanen iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan Albabada xubnaha ku wada qaatay Golaha Aqalka Sare.

Kulanka labada mas’uul marka uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta uga warbiyay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sharaxay muhiimada kulankaasi iyo waxyaabaha ugu mihiimsanaa ee lagu lafa guray.

Mowliid Xuseen ayaa carabka ku dhuftay in ay mas’uuliyiintu ay isla soo qaadeen Dadaalada uu Golaha Aqalka Sare uu isgu soo dhaweenayaan Maamul Gobalaydyada Xubnaha ka ah Dowlad Dhexe Fedraalka Soomaaliya oo haatan wada shaqeyntooda uu mad-madow uu soo kala dhexgalay iyo haatan halka ay dadaaldaasi ay mrayaan.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii uu u dardargalin lahaa Howlha Horyaala Golahaasi iyo Dadaalda la isugu soo dhaweenayo Maamul Gobalydyda Dalka  iyo Dowlada Dhexe Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta Aqalka sare kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ku xigeenadiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka dib ka warbixiyay Waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Aqalka sare iyo Samuli Virtanen.

“Waxaan bogaadineynaa inuu soo booqday Aqalka Sare, Kulan ayaan la yeelanay wuxuu waday Fariin iyo Salaan uu ka sido Madaxda iyo Shacabka Finland, Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah Xoojinta Xiriirka Labada dal, Doorka uu leeyahay Aqalka sare iyo sidii loo hormarin lahaa Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay isla garteen in Dowlada Finland ay ka qeyb ka qaadato Hormarinta Federaalka Soomaaliya iyo xalinta tabashooyinka ay Dowlad Gobaleedyada ka qabaan Dowlada dhexe.

“Waxaan isla garanay in Dowlada Finland ay door wanaagsan ka qaadato xalinta wada shaqeyn xumada dhex martay Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada iyo sidii Midowga Yurub iyo Dowlada Finland u taageeri lahaayeen Nidaamka Federaalka oo ku cusub Soomaaliya, aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Wasiirka, inuu fariin fiican la noqon doono ayaan rajeyneynaa”.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

The post Gudoonka Aqalka sare oo qaabilay wafdi ka socday Finland appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this