Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahino laga helay dagaal xoogan oo ka dhacay Sh. Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen illo wareedyo.

Dadka degaanka ayaa kusooo waramaya in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo soo kala gaarey dhinacyadda ay dirirtu dhex-maray, xili ay shaaciyeen inay arkeen meydadka saddex Al-Shabaab ah.

Illo wareedyo madax banaan oo gobolka ku sugan ayaa xaqiijinaya in Al-Shabaab ay dagaalka ku qabsadeen gadiid nooca dagaalka ah iyo 11 Qori oo ay ka furteen ciidamadda xooga dalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, xili ciidamada dowladda ay magaalada Marka ku qabteen saaka ruux la sheegay inuu Al-Shabaab udagaalamayey.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku qabsadeen degaanka Jilib Marka iyo tuulooyin kale oo ku dhow.

Inta badan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhaca dagaalo qaraar oo udhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda, kaasi oo geystay khasaaro labada dhinac ah, wallow mararka qaarkood ay waxyeelo kasoo gaarto shacabka.

The post Fahfaahino laga helay dagaal xoogan oo ka dhacay Sh. Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this