Deeq A. Posted November 21, 2018 Garbahaarreey (Sh.M.Network) – Cabdiqani Maxamed Bayow oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay in gobolka ay ka taagan is-qabqabsi la xiriira dhinaca maamulka. Siyaasiga ayaa shaaciyay in is-qabqabsiga uu yimid markii maamulka Jubbaland uu gobolka usoo magacaabay labo gudoomiye, isaga oo ku eedeeyay masuuliyiinta madaxda dowlad goboleedkan inay gobolka ka abaaburayaan colaad beeleedyo. Mr Bayow ayaa ugu baaqay shacabka reer Gedo inay ka fogaan wax kasta oo keeni kara inuu dhiig-dato xili uu madaxda uu sareysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay soo farageliyaan arrintaani. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qani-1.mp3 The post Is-qabqabsi maamul oo ka taagan gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites