Deeq A. Posted November 21, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in magaaladda Muqdisho ay ku yeeshaan mid kamid ah fadhiyadda ka tirsan Kal-fadhiga afaraad. Kulanka ayaa la filayaa inay mudanayaasha dood adag ay kaga yeeshaan sharciga Hanti-dhowrka qaranka, kaasi oo ay gelin doonan hadii ay usuuragasho akhrinta saddexaad, xili ay kadib cod u qaadi doonan. Sharcigaan oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya waxaa horey loosoo marsiiyay akhrinta koowaad iyo labaad, waxaana lagu wadaa inay soo afjaraan maanta. Guddiga maaliyadda ee Aqalka Hoose ayay wasaaraddu ku wareejiay markii ay wax ka bedalka kusoo sameysay, waxaana ay horgayn doonan Wakiilada Shacabka si ay ugu dambeyntii cod u geliyaan ama ay dib usoo celiyaan. The post BFS oo soo gabagabeynaya dooda sharciga Hantidhowrka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites