Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 43 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Lala Beegsaday Goob Uu Ka Dhacayay Xuska Mowliidka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cabul)-Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen culumaa’udiin dalka Afqaanistaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 43 qof.

104422277_a1e8ba2b-1621-432b-9d6d-8b21b2

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada, Kabul ee xarunta dalka Afqaanistaan.

Qarxani ayaa waxaa ugu yaraan ku dhaawacmay 83 qof.

Kulanka culumadan ayaa ka dhacayay goob aroosyada lagu qabto oo lagu magacaabo Uranus wedding hall.

Culumada qaraxa lala beegsaday ayaa ku guda jiray xuska dhalashada Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiis ha ahaatee.

Waa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Kabul ka dhaca bilooyiinkii ugu dambeeyay.

Ma jirto ilaa iyo imika cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Sidee wax u dhaceen?

Waxaa la sheegay in goobta ay xafladda ka socotay ay ku jiraan 1,000 qof markii uu qaraxa dhacayay.

Ciidamada ammaankaLahaanshaha sawirkaEPAImage captionCiidamada ammaanka

Afhayeen u hadlay booliiska Kabul Basir Mujahid,ayaa sheegay”In culumada Islamka ay aqrinayeen quraanka iyaga oo u dabaaldagayay dhalashada Nabiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee”.

Qofka ismiidaamiyay ayaa ka soo galay albaabka hore ee xarunta halkaasi oo walxaha qarxa uu la beegsaday.

Sheekh Mohammad Hanif ayaa sheegay uu qarax dhawaq xooggan uu dhacay “qof walibana uu qaaylinayay isaga oo caawin dalbanaya”.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay muujinayaan dhar dhiig badan uu ka muuqdo iyo quraarado jajabay oo goobta daadsan.

Telefishinka 1TV News ayaa ka soo xigtay wasaaradda caafimaadka in 24 ka mid ah dadka dhaawacmay uu dhaawacooda halis yahay.

Maxay tahay jawaabaha laga bixiyay?

Madaxwaynaha Afqanistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay “weerar argagixiso “.

Waxa uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalin baroordiiq islamarkana calanka dalka hoos loo dhigi dono.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afqanistaan ayaa dhankooda waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin weerarkan ismiidaaminta.

Rai’sul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay “fal argagixiso oo fulaynimo ah”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this