Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Yemen Oo Weli Sii Socda Xilli Xabad Joojin Lagu Baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Magaalada Xeebta saaran ee Xudeydah ayey weli kasii socdaan dagaalo xoogleh xili ay dhinacyada dagaalamaya ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhaqan gelinta xabad joojinta dagaalka Yemen.

yemen-xudeydah-saudi-740x493.jpg

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa isniintii sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin dalkaasi laga dhaqan geliyo, sidoo kale Sacuudiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadalka ay garwadeenka ka yihiin guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen.

Balse waxaa muuqata inuusan weli joogsan dagaalka Xudeydah oo ay maalmihii lasoo dhaafay boqolaal dad ah ku dhinteen, dagaalkaasi ayaa sidoo kale caqabad ku ah gargaarkii la gaarsiin jiray shacabka Yemen, maadaama magaaladaasi Xudeydah oo ay ku taal dekkada ugu weyn ee deeqda loo marin jiray shacabka ku nool Waqooyiga Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa ku eedeeyey xulafada Sacuudiga inay doonayaan inay awooda militari magaaladaasi kula wareegaan kahor intaan la gaarin shirka dhamaadka sanadkan ay Qaramada Midoobay u qaban doonta dhinacyada dagaalamaya, shirkaasi oo la filayo inuu ka dhaco dalka Sweden.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this