Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Difaacay Maxamed Bin Salman Iyo Jawaabtiisa Oo La Cambaareeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga sugayey jawaabta kama danbeysta ah ee xukuumadiisa ka qaadeyso hogaamiyaha Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan oo la xaqiijiyey inuu ka danbeeyey dilkii suxufi Jamal Khashoggi oo ay Sacuudiga ku dhex dileen Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Trump-difaac-MBS-740x416.jpg

Sirdoonka Maraykanka CIA ayaa todobaadkii tagay warbixin dheer ka diyaariyey qaabka dilka u dhacay iyo in amarka dilkaasi suxufi Khashoggi uu ahaa mid si toos ah uga yimid Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Trump ayaa ugu danbeyntii qoraal uu kasoo saaray go’aankooda ku dooday in Adduunka oo dhan ay ka dhacaan falal xun, isagoona sheegay in uusan dhacdadan u burburin doonin xiriirka uu Maraykanka la leeyahay Sacuudiga. Wuxuu sidoo kale sheegay inay Maraykanka illaalsan doonaan dhaqaalaha badan oo ay ka helaan Sacuudiga dhanka iibka hubka, ganacsigaasi oo uu sheegay in hadii ay burburiyaan ay ka faa’iideysan doonaan dalalka China iyo Ruushka, waa siduu hadalka u dhigayee.

Wuxuu Donald Trump dhinaca kale sheegay in Sacuudiga uu yahay xulafadooda muhiimka ah ee Bariga Dhexe oo ay u baahan yihiin inay gacan kasiiyaan qorshahooda ka dhanka ah Dowlada Iran.

Go’aanka Trump ayaa waxaa si adag uga jawaabay qaar kamid ah Xildhibaanada Kongareeska Maraykanka oo sheegay inay iyagu qaadi doonaan tilaabooyin lagu ciqaabi doono Xukuumada Riyadh.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Turkiga oo dhamaan xogta dilka Suxufig Khashogii gacanta ku haya isla markaana la qeybsaday Maraykanka iyo Xulafadiisa, inay markale sii shaaciyaan xogta badan oo ay dilkan ka hayaan oo aysan weli shacabka usoo wada bandhigin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this