Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Culus Oo Ka Dhex Aloosan Tigrayga Itoobiya Iyo Maamulka Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Xisbiga TPLF oo hogaamin jiray taxaafulka EPRDF oo dalka Ethiopia soo maamulayey muddo labaatan sano ka badan ayaa eed kulul u jeediyey xukuumadda cusub ee hormoodka ka yahay RWe Abiy Ahmed.

Abiy-Axmed.jpg

Ugu yaraan, 79 isugu jira saraakiil dhinaca amniga ah iyo ganacsato oo badidoodu qowmiyadda Tigreyga ah ayaa toddobaadkii hore lagu eedeeyey inay dambiyo galeen.

Hay’adda Amneysty International iyo kuwa kale uu xuquuqda aadamaha u dooda ayaa talaabada dawladda soo dhaweeyey, hase yeeshee, madaxweynaha gobolka Tigreyga Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in dadka qowmiyaddiisa la beegsanayo, iyada oo musumaasuq lagu soo gabanayo.

Dhinaca kale, dawladda dhexe ee Ethiopia iyo dawlad goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ay wali u taag la’yihiin xakameynta falalka gacanka hadalka wata oo dad ay ku dhimanayaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this