Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo fureysa Xuduuda Mandheera iyo Beledxaawo oo Al Shabaab dartii loo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fureyso Muddo kadib xuduuda ay wadaagaan degmooyinka Beledxaawo iyo Mandheera oo u xirmay weerarada Al Shabaab.

Xadka Mandheera ee dhanka Soomaaliya ayaa xirmay kadib markii Al Shabaab weeraro badan ay ka geysteen deegaankaasi, waxaase hadda Kenya ay sheegeysaa in xaaladda oo soo wanaagsanaatay ay sahleyso in xadka ay furaan.

Tan iyo Bilowgii 2015 Kenya waxay ku guuleysatay dhismaha xuduudka oo darbi ay ka dhiseysa oo gaaraya ku dhawaad 20 KM, waxaana taasi ay qeyb ka tahay qorshaha dib loogu furayo xuduuda Mandheere ee dhanka Beledxaawo.

Beledxaawo iyo Mandheera shacabka ku nool ayaa leh xiriir wanaagsan oo dhanka ganacsiga ah, laakiin ciriiri ayaa ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ee labada dhinac waxii ka dambeeyay markii xuduuda la xiray.

Dhawaan Guddiga Difaaca dalka Kenya oo deegaanada xuduuda tagay ayaa sheegay inay ogaadeen in shacabka Kenya ay doonayaan in ciidamadooda ka baxaan Soomaaliya si weerarada Al Shabaab ay u yaraadaan.

Guddiga ayaa sidoo kale qiimeynayay dhismaha darbiga weyn ee xuduuda labada dal, iyaga oo warbixin u gudbiyay baarlamaanka dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this