Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Qaar ka mid ah xubnihii kooxda Daacish oo gacanta lagu soo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 19-ka November 2018 ciidamada amniga magaalada Muqdisho ay ka soo qabteen xubno ka tirsan kooxda ISIS.

Xubnahan ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa lagu soo qabtay hawlgal gaar ah oo ciidanka Hay’adda NISA ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho.

Hawlgalkan qorsheysan ayaa si taxadar leh oo cidna aysan wax ku noqon u fulay sida lagu sheegay qoraalka Hay’adda NISA ay soo saartay.

“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho ka soo qabtay xubno ISIS ah, hawlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax ku noqon u fulay, soo qabashada xubnahan ayaa dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena”. sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka.

Ciidanka ammaanka ayaa kordhiyay hawlgalada ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish, kadib markii dhawr mar sidan oo kale hawlgal ka dhacay Muqdisho lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxahan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this