Deeq A. Posted November 20, 2018 Buuraha dhaadheer anigoo kolba mid dusha uga baxaaya, ayaa markii danbe . cagtii ila siibatay oo aan buurtii dhinaca kale uga dhacay. Waxaan dusha kaga dhacay Cariish, oo dhaawac badani ima soo gaadhin . Waxaan arkay dad badan oo isdaba lugaynaaya oo aad moo did in ay INDHO LA,YIHIIN , sida ay isu daba socdan. Waan la hadlay, laakiin iimay jawabin , ismanay taagin. Kadibna waxaan weydiiyey in ay i arkayaan iyo in kale iyo in ay indho laβ yihiin ? Waxay i waydiiyeen : waxay indhuhu yihiin ? iyo waxa ay tahay indho la@aantu ? iyo waa maxay aragu ? iyo waa maxay waxyaabahan uu ka hadlayaa ee aanay weligood maqlin ? Waxa uu su.aalay : miyaanay Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aanay arkayn Waxay su:aal dib ugu celiyeen isagii iyo waxa uu sheegayaa ee uu ka hadlayaa . waxa ay yihiin ? Waxa uu ka ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen oo sidan ku dhasheen iyaga iyo Waalidkoodba iyo Awoowooyinkoodba . oo Cudurkan uu sheegaayo aanay weligood maqlin. ( Dadkanu muddoo 11 oday laga joogo , sidan ayey ahaayeen oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha ka dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo Boqolaal sano ah ay sidan ahaayeen ). Kadib waxay u sheegeen , haddii uu doonaayo in uu la noolaado , in uu CUDURKAN indhaha la yidhiihdo iyo ARAGA in uu iska daweeyo ,oo la mid noqdo . Haddii kale uu aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeyaan Cuduradan uu qabo ee uu sheegaayo ee isaga ku kooban . Haddii kale , uu ka dhex baxo oo meeshii uu ka yimi ku noqdo. Talo ayaa la soo gudbanaatay iyo in uu kala doorto In indhaha laga tuuro oo laga soo saaro , oo cudurkan aragtida la yidhaahdo laga daweeyo oo uu sidooda oo kale noqdo. iyo in uu iskaga tago , oo uu meeshii uu ka yimi ku noqdo. Hadaba dhawaan waxaan soo booqday , Tuulo dadkeedu ay wada INDH LAβ YIIN , oo igu yidhi Haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo ad naga mid noqoto ( waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo ARAGA iyo INDHAHA oo aanu kaa soo saarnaa oo aad sidayada noqotaa . Haddii kal aad naga tagtaa. Waxaan markaa doortay in aanan la noolaan oo aana ka mid noqon , oo aan indhaheyga iyo aragayna aan heystaa. Hadaba bal , maxaad fahantay Cali Maxamed Biixi caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites