Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi iyo Suldaan Ismaciil oo fiintu dhex miranayso Cuqaasha Gabiilay oo diiday codsi uga yimid Muuse Biixi, Nuux Taani Oo Kabhu kaga dhamaadeen Gabiilay+ Suldaan Xasan oo…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhowrkii maalmood ina soo dhaafay waxa magaalada Gabiilay ka taagnaa kulano xaasaasi ah oo ay xukumadda Muuse Biixi dabada ka riixaysay, kulamadaasi ayaa ay xukumadda Muuse Biixi soo qaban qaabisay waxana ay salka ku haysaa hadalkii todobaadkani ka soo yeedhay suldaanka guud ee Jibriil Abokor suldaan Ismaciil isla markaasina ka mid ah salaadiinta waaweyn ee beelaha Awal.

Todobaadkani ayaa uu Suldaan Ismaciil uu xaalada uu dalku marayo ee halista ah ka warbixiyay waxana uu sheegay in intii xukumadda Muuse Biixi timid uu dalkii iyo dadkiiba qaybsamay oo qaybo ka mid ah dalka ay ka abuurmeen Jabahado, waxna uu suldaanku ka dayriyay xaalada uu dalku maraayo ee uu u gaystay maamulka cusub ee Muuse Biixi.

Hadaba isga oo madaxweyne Muuse Biixi arintaasi aad uga gubtay ayaa waxa uu dhaq dhaqaajiyay Taliyaha ciidanka qaranka oo uu u diray gobolka Gabiilay waxana uu isugu yeedhay cuqaasha beesha Suldaan Ismaciil waxana uu ka codsaday in ay u jawaabaan suldaanka, arintaasi oo ay gabi ahaanba cuqaashu ku gacan saydhay una sheegeen in ayna u jawaabi doonin suldaankooda isla markaasina ayna arkin waxa ay ku taageeraan xukumadda Muuse Biixi oo ay siiyeen codkii ugu badnaa taasi oo Nuux Taani loo sheegay in uu candhuuftiisa dib u liqo, laguna khasaaray codkii la siiyay xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Muuse Biixi, halkaasi oo uu Nuux taani dib ugu laabtay Hargeysa, isla markaasina uu wargaliyay madaxweynaha waxii ay kala muteen isga iyo cuqaashu.

Hadaba waxa uu Muuse Biixi soo dirar oo ilaa hada Gabilay ku sugan Suldaan Xasan oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha iyo cuqaal uu hogaaminaayo, waxna uu suldaanku xalay ku guuldaraysatay in uu helo cod midaysan oo lagu canbaareeyo suldaan Ismaciil walow ay jiraanxubno aqblay in la canbaareeyo suldaan Ismaciil hadana sidii ay xukumaddu doonaysay looma hayo dad culus oo suldaan Ismaciil u jawaaba.

Halkani ka daawo hadaladii suldaan Ismaciil oo ah kuwo xaqiiq biyo kama dhibcaan ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this