Deeq A. Posted November 20, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal culus oo ciidanka xooga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gudoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle ayaa xaqiijiyey in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu shaaciyo tiradda. Barre ayaa daboolka ka qaaday in dagaaka uu yimid kadib markii ciidanka dowladda ay ku qaadeen meesha ay wax ka dhaceen howlgal ka dambeeyay markii ay heleen xog ku saabsan inay isku uruursanayaan xoogaga Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu cod dheer ku qeexay inay dagaalka ku qabsadeen tuulo duleedka uga taala degaanka Jilib Marka oo jihada Bari kaga toosan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Hoos ka dhageyso wareysiga Gudoomiyaha http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Gudoomiyaha-G-Sh-Hoose-Maxamed-Ibraahim-Barre-.mp3 The post Ciidanka DFS oo la wareegay degaan muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites