Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xildhibaan Nacnac “Somaliland Marnaba Lama Midoobeyso Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa hadalkaasi xamaasadda leh ee maanta Biixi uu jeediyay ku taageeray.

Wuxuu sheegayaa in dowladda federaalka ay ka nabad heli la’yihiin.

Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay in ay hakad galisay wada hadalladii u socday labada dhinac, kuwaasoo muddooyinkii dambe hakad galay.

“Kun sano haddii aan weyno ictiraafna kuma noqonayno Soomaaliya iyo midowgii dhacay 1960” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu difaacay dalab ka yimid Somaliland oo ahaa in laba dowladood oo siman ay u wada hadlaan taas oo la sheegayo in wada hadalka arrimaha hakadka galiyay ay kamid tahay.

HOOS KA DHAGEYSO:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XIL-NACNAC-SOMALILAND-20-11-2018.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this