Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Sheegtay Inuu Duqayn Ku Dilay 37-xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)War ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil oo ku dhow degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

BD82DCE4-10E4-4562-8BAB-04643FC14BB1.jpe

Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in labo duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil lagu dilay illaa 37 dagaalame.

“Duqeynta hore waxaa lagu diley 27 ka mid ah maleeshiyaadka ALshabaab,halka duqeyn labaadna lagu diley toban ka mid ah Al-Shabaab”ayaa lagu yidhi  qoraalkan ka soo baxay Africom.

“Waxaan qiimeyneynaa in tiro intaa ka badan ay wax ku noqdeen iyo weliba in aan qiimeyno in dad rayid ah aysan wax ku noqon.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Maraykanka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in qorshaha weerarkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowlada federalka ayna sii wadi doonaan duqeymaha ay ciidamada Maraykanka ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Duqeynta ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ayaa sanadkan sare u kacay iyadoo duqeyntana ay tahay mid gobolo kala duwan ay ka dhaceen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this