Sign in to follow this  
Deeq A.

Soo xulista Xildhibaanada Puntland oo meel wanaagsan maraysa iyo Gobolada qaar muran ka jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo wali wakhti ka harsan yahay xiliga kama dambeysta ah lagu diyaarinayo 66 Xildhabaana cusub ee Puntland ayaa waxaa hada si dardar ah uga socda Gobolada soo xulista Xildhibaanada.

Beelaha qaarkood waxay durba soo diyaariyeen Shaqsiyaadka ay usoo dirsanayaan Garowe, Beelaha qaar ayA iyana waxay ku mashquulsan yihii beesha xiligaan kursiga qaadaneysa halka qaarna uu muran ka jiro.

Mana ahan markii u horaysay oo muran noocaan ah uu ka dhaco soo xulida kuraasta xildhibaanada, Doorashadii hore ee 2014 muran noocaan ah ayaa jiray kasoo gaaray in kuraasta qaar ay kala saaraan Gudigii Xalinta Khilaafaadka ee Madaxweynihii xiligaas Mudane Sanatar Cabdiraxmaan Faroole uu xiligaas Magacaabay.

Inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 December waxaa lagu wadaa sidii caadada ahayd in 66-da kursi ay diyaar yihiin, Sanadka cusubna intaan la gaarin 4 janasyo waxaa dhacaysa Doorashada Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, Kadibna waxaa laguda galayaa Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Gufiggii Doorashada ayaa la filayaa in uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo ugu dambeyn bilowga Diseembar.

Puntlandi.com
Garowe

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this