Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa wuxuu sheegtay in duqayn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka cirka ah oo uu talisku tibaaxay inay ka dhacday nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ahayd labo duqayn ayuu shaaciyay Mareykanka inuu ku khaarijyeen ku dhawaad 30 xubnood.

Ma jiro war rasmi ah oo ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay duqayntaan, oo shalay oo Isniin ahayd dhacday.

Mareykanka ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sarre u qaaday weerarada dhinaca cirka ah ee uu ka fulinayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo beegsanaya Saldhigyada Al-Shabaab iyo goobaha kale oo ay ku sugan yihiin.

The post Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this