Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan Oo markale ka dhacday gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warramayaa in markale maanta ay duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lagu garaacay Tuulooyin hoos yimaada deegaanka Caad ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay goobaha la duqeeyay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay.

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii duqeyn culus ay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Ceel-Huur ee gobolka Mudug.

The post Duqeyn xoogan Oo markale ka dhacday gobolka Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this