Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaliya: Xarakada Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamadda Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gedo)Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Fafax-dhuun.

7843D972-5710-4E67-8AAD-5B0ABBD3B16D.jpe

Sida lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab wararka ku faafiso madaafiic ayaa lagu garaacay saldhigga Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka madaafiicda kaddib uu xigay dagaal xooggan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Fafax-dhuun, isla markaana tiro dagaalamayaal ka dileen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid socday saacado, isla markaana labada dhinac isku adeegsadeen madaafiic.

Deegaanka Fafax Dhuun ayaa hoostagta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya oo saldhig milateri ku leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this