Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo faah faahiyay qarax uu ka bad baaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu qaraxaasi u dhacay.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili uu ka dagay gaariga xili uu galay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaasi in uu dhaawac culus ka soo gaaray darawalkiisa oo doonayay in uu gudaha u galay gaariga xiliga qaraxa uu dhacayay.

Waxa uu sheegay in ha’adaha amaanku ay hadda wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxaasi u dhacay.

Hoos ka dhageeyso Codka

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xildhibaan-Jeesoow-PP-.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo faah faahiyay qarax uu ka bad baaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this