Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax daqiiqado ka hor ka dhacay meel u dhaw Hotelka Maka-Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Laba qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu yahay Darawalka Xildhibaanka, Daahir Amiin Jeesow ayaa la sheegay inuu Carwo meesha ku taala uu ku jiray xiliga qaraxa dhacayay.

Xildhibaanka ayaa ilaa hada ka cadlin qaraxaasi, magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu badan Qaraxyada dadka loogu xiro Gawaariada ay wataan mana jirto ilaa hada wax loo soo qabtay qaraxyada nuucaas ah oo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalana ay xubnahooda ay ku waayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this