Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeesow: Shabaab waa loo fududeeyey qaraxii ay ku xireen gaarigeyga (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa ka hadlay qarax uu ka badbaaday oo Maanta loogu xiray Gaarigiisa.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Bulshada ee Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyaan dad cadaw ah,isla markaana uu ahaa mid loo fududeeyay.

“Waxaan nafteyda u huray qaranka,  qarax iyo weerar laygu soo qaado marna ima baqdin galinayaan lakiin waxaan bulshada u shegayaa in qaraxa maanta lagu xiray gaarigeyga oo la rabay in la igu dilo ay suurta gal tahay in qorsheynta iu cadowgu yeesho hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay, kamana hordhacayo baaritaanka.”

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in mar walba isaga uusan ka tanaasuli doonin u Shaqeynta Qaranka Soomaaliyeed.

Qaraxii lagu xiray Gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa ku dhaawacmay Darawalka Gaariga iyo Qof la socday,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this