Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin iyo xaaskiisa oo lagu dilay shirqool abaabulnaa oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadda Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin iyo xaaskiisa.
Falkaan ayaa ka dhacay xaafadda Cali Turcaaye ee dhanka wadada jayga aada.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka xaafadda degan, rag hubeysnaa ayaa guri ay dagnaayeen ninka iyo xaaskiisa kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxayna kusoo celiyaan iyagoo meyd ah oo si arxandarro ah loo dilay.

Saakay markii ay dadka hurdada kasoo tooseen ayay arkeyn meydka ninka iyo xaaskiisa oo guriga kor loogu xiray. Dhacdadan ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa degmada Heliwaa.

“Wuxuu ahaa shirqool abaabulan oo loo soo diyaariyey lamaanaha, balse ma naqaan waxa ay tahay” ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafadda oo codsaday inaan la magacaabin.

Ninka iyo naagta la dilay ayaa ifka kaga tagay caruur, sida naloo xaqiijiyay.

Ninka la dilay ayaa ka shaqeynayey kala wareejinta dhulalka (Dalaal), balse ma cadda haddii dilkan uu la xiriiro arrimo dhl iyo in kale.

Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka argagaxa leh ee loo geysto dadka shacabka xiliyada habeenkii.

Labada degmo ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Shabaab, balse lama oga in falkana ay ka dambeysay Al-Shabaab iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this