Sign in to follow this  
Deeq A.

Wajiga Kowaad Ee Nadaafada Garoonka Stadium Muqdisho Oo La Soo Gabagabeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa soo idlaaday wajiga kowaad ee nadaafada garoonka Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wraeegtay labo bil ka hor waxaana iminka muuqanaya is badal tan iyo kolkii ay ka baxeyn ciidamada nabad ilaalinta Amisom oo halkaa ku sugnaa mudo 7-sano, iyagoo iskaga baxay 27-August 2018.

Muqdisho-Stadium-15-1-300x200.jpg

Waxaa booqasho iyo indho indheyn ku tagay garoonka ciyaartooydii hore ee dalka dhinac Kolayga,kubbadda cagta iyo qeybaha kala duwan waxaana wehlinayay wasiirka iyo wasiirka ku xigeynka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye oo labadii bil ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula socotay howlaha nadaafadeed ee Satdium Muqdisho ayaa ka warbixisay muqaalka iminka muuqanaya iyo wax iska badalay labadii bil ee laga soo gudbay

46301132_1883089258393518_33025512146206

Ciyaartooydii soo martay wadanka oo inta badan tartamada caalamiga iyo gudaha ku dheelay garoonka Stadium Muqdisho ayaa tibaaxay in aysan qiyaasi karin dareenkooda ayna u mahad celinaynaa dadkii ka qeyb qaatay in uu dib u shaqeeyo Stadium Muqdisho iyagana ay u diyaar u yihiin doorkooda ka qeyb qaadashada.

46185387_1883089168393527_66154304597886

Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u sheegay bahda ciyaaraha gudaha iyo qurbajoogta in ay ka qeyb qaataan dib u howl galinta tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho si ay usoo noqdaan tartamadii xiisaha badanaa uu garoonka marti gelin jiray.

46134650_1883089125060198_15945751992677

Dowlada Norway oo Wakiil ka ah Midowga Yurub ayaa bixineysa Malyuun Dollar ah Wajiga labaadee lagu dayactirayo Laguna dhisayo qaybaha Kubbadda Cagta,Kolayga,Gacanta Fustalka iyo qeybta dabaash waxyaalaha qorsheyn in la qabto wajiga labaad waxaa sharxaad ka bixiyay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye

flag-1198978dig-300x200.jpg

Sawirro badan oo lagu soo bandhigay baraha bulshada kana tarjumayay is badalka Stadium Muqdisho ayaa wax ay ya’diilo iyo kalsooni galisay bahweyn isboortiga gudaha iyo dibada

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Badalka Stadium Muqdisho

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this