Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Gaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay Waddada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari la sheegay in lagu soo xiray, kaas oo ku qarxay agagraaka Hoteelka Makka Al Mukarrama oo ku yaalla Waddadaasi.

Darawalkii waday Gaariga qarxay ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo Waddada xiray.

Welina ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

The post Qarax Gaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this