Deeq A. Posted November 20, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Makka Al Mukarrama ee M/ Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari Hilux ah oo la sheegay in lagu soo xiray qaraxa, kaas oo ku qarxay inta u dhaxeysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho. Gaariga Qarxay ayaa waxaa lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah waxaa qaraxa ku dhaawacmay Darawalka Xildhibaankaasi, iyo Qof kale oo la socday Gaariga. Xildhibaan Daahir Amiin jiisow oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa waxa uu uga hadlay qaraxa lagu xiray Gaarigiisa. ”Waxaan nafteyda u huray Qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado waa waxaan u soo bareeray oo marna baqdin iguma beereyso” ayuu yiri Jeesow. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in cida qaraxa ku xirtay Gaarigiisa loo fudeeyay, balse uu ka war sugi doono baaritaanka socda. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan caadi ku soo noqotay, maadaama goobta qaraxu uu ka dhacay ay tahay meel Mashquul badan. The post Xildhibaan ka tirsan BFS Oo ka badbaaday qarax Gaari appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites