Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari dilay Qof Rayid ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Byadhabo ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka qeybta 60-aad ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Dable Maxamed Nuur Macalin Aadan

Askarigani ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Marxuum Maxamed Nuur Janow Aadan oo ka mid ahaa  shacabka  ku dhaqan M/ Baydhabo ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida 60-aad ee Baay iyo Bakool Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa ku dhaawaqay go’aanka Maxkamadda.

Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa uga digay Ciidamada dowladdu in ay waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolladaasi.

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ay horay xukuno kala duwan ugu riday Askar ka tirsan Ciidamada DFS oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.

The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari dilay Qof Rayid ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this