Deeq A. Posted November 20, 2018 Byadhabo ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka qeybta 60-aad ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Dable Maxamed Nuur Macalin Aadan Askarigani ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Marxuum Maxamed Nuur Janow Aadan oo ka mid ahaa shacabka ku dhaqan M/ Baydhabo ee gobolka Baay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida 60-aad ee Baay iyo Bakool Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa ku dhaawaqay go’aanka Maxkamadda. Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa uga digay Ciidamada dowladdu in ay waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolladaasi. Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ay horay xukuno kala duwan ugu riday Askar ka tirsan Ciidamada DFS oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari dilay Qof Rayid ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites